Wasiir Islow Ducaalle oo Baarlamaanka looga yeeray. Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Halqaran.com)- Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Taliyeyaasha hoos yimaada ayaa Maanta waxaa looga yeeray Xarunta Golaha shacbka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa loo diray warqad Qoraal ah oo looga codsanayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka oo uu horyimaado Maalinta berri oo Talaado ah taariikhduna ay ku beegan tahay 26-ka Bisha November 2019.

Sida la wadafilayo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyeyaasha hoos yimaada waxaa ay wax ka weeydiin doonaan Su’aalo la xiriira dhanka amniga iyo Xiisadaha ka taagan Qaar ka mid ah Maamulada Hoos yimaada Dowlada Fedaraalka Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WARQADA CODSIGA

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here