TOP NEWS: SOMALIYA oo maanta mar kale dib u bilowday mashruuca dhoofinta mooska

Mooska Soomaaliya oo loo suuq-qeynayo dalalka dibadda

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacadii maanta dib u bilowday dhoofinta mooska loo iib-geeynayo dalka dibaddiisa.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Mudane Saciidd Xuseen Ciid ayaa maanta goob joog ka ahaa munaasabad lagu daah-furayay markabkii ugu horreeyay ee sida shixnad moos ah oo dalka dibaddiisa loo dhoofiyo.

Shixnaddan mooska ah ayaa horudhac u ah shixnado badan oo muuska Soomaaliya ah oo loo iib geyn doono dalalka Bariga Dhexe todobaadyada soo aaddan.

Wasiirka ayaa ku boorriyay beeraleyda Soomaaliyeed in ay kordhiyaan wax soo saarka, maadaama ay dowladdu ay xil iska saartay sidii ay ku heli lahaayeen suuq ay u iib geeyaan wax-soo-saarkooda.

Soomaaliya ayaa kaalimaha ugu horreeya kaga jirtay dalalka dunida inteeda kale u dhoofiya mooska ka hor intii aanay burburin Dowladdii Dhexe ee dalka sanadkii 1991-kii.

Dalka Ecuador ayaa haatan kaalinta kowaad kaga jira dalalka mooska dhoofiya iyada oo dalalka Kolombiya, Filibiin, Costa Rica, iyo Guatemala ay ka mid yihiin dalalka loollanka ugu jira sidii ay saami wanaagsan ugu yeelan lahaayeen suuqyada dalalka dhoofiya mooska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here