Nairobi (Halqaran.com) – Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Somaliland oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa uu kulamo halkaasi kula qaatay siyaasiyiin Caanka ah Soomaaliya oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Eng, Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay siyaasiyiinta ka wada hadleen kana tashadeen inay ka hortagaan qorsho ay wadaan,Madaweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo dalal kale oo Dekadaha soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.
Waxaa uu sheegay inay madaxda ka shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa,waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu wado qorsho Dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo itoobiya.
“Laba mid ayuu ku saabsan yahay safarkeyga Beesha Calamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo aan la kulmay iyo inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu kamid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya,madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino Badeena,waayo Farmaajo ayaa Nin Ina Adeerkiis ah u Magacaabey in Badda la siiyo ayuu yiri” Feysal Cali Waraabe.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
Muqdisho: Saxafi loo heysto Dilkii Almaas Elman oo xaalad halis ah ku jira
Maxaa ka ogtahay Ujeedka Safarka Sheekh Shariif uu ku tagay Jabuuti?
UPDATE: Ciidamada Militariga Itoobiya oo ku sii qul-qulaya magaalada Dhuusamareeb (Maxaa cusub?)
SAWIRRO: DF Somaliya oo si weyn u soo dhaweysay is-beddelka lagu sameeyay hoggaanka IGAD
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com