Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DHAGEYSO: Xildhibaan Xiddig oo Jawaab kulul bixiyay, ”Xubnaha Isbedel doonka Jubbaland kama laaban Mowqifkooda”!

Cabdirashiid Xidig /Sawir Hore/Keydka Halqaran.com

Kismaayo (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdi-rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo golaha isbedel doonka Jubbaland ayaa Axaddii maanta shaaca ka qaaday in aysan jirin wax iska bedelay Mowqofkooda ku aadanin Jubbaland aysan ka dhicin wax doorasho ah, isla markaana ay doonayaan in la qabto doorasho xalaal ah.

Warar maalmahan la isla dhexmarayay ayaa sheegaya in Xubnaha isbedel-doonka Jubbaland ay heshiis la galeen Axmed Madoobe, kadib markii Cabdinaasir seeraar oo kamid ah xubnahaas uu gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu halkaasi ula kulmo Axmed Madoobe.

Xildhibaan Xiddig ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan wax wada-hadal ah kala galeyn in dadka reer Jubbaland iyaga ay doortaan ciddii ay doonaan taas mowqifkoodana uu yahay mid acad.

“Golaha isbedel-doonka ma ahan madax doon cid kastana, waxaa laga rabaa inay micnaha ogaadaan, waxaana rabaa in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana iga go’an in dadka reer Jubbaland ay doortaan qofkii ay rabaan‘‘ ayuu yiri Xildhibaan Cabdi-rashiid Xiddig.

Halka hoose ka Dhageyso Codka Xildhibaan Xiddig:

 Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment