Wararka Maanta

Shariif Sh. Axmed oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somaliya‚‘‘Ma aqbali doonno dib u dhac doorasho‘‘!

Kulankii Shariif Sheekh Axmed iyo Danjire Donald Yamamoto

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa Axaddii maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee lagu wado inay qabsoomaan 2020/2021.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Safiirka Mareykanka ee Somaliya uu la wadaagay aragtidooda ku aadan doorashooyinka dalka, waxaana uu xusay inay lagama maarmaan tahay in doorashooynka lagu qabto, xilligii loogu talagalay.

“Waxaan uga mahadcelinay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda, sida Dowladda Dhexe, Dowlad Goboleedyada, Xisbiyada Siyaasadda.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif.

Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri, “Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda, oo ay waajib tahay in doorasho la aado.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment