Wararka Maanta

Xilliga la qabanyo Ciyaarta kama dambeysta ‘Finalka’ degmooyinka gobolka Banaadir oo la shaaciyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiya ciyaaraha gobolka Banaadir, Xasan Xaaji Aadan ayaa sheegay in kulanka kama dambeyska ah ee u dhaxeeya degmooyinka Dharkenleey iyo Waaberi la qaban doono habeenka Jimacaha taariikhduna ku aadantahay 05/12/2019-ka.

Ciyaartan ayaa ka tirsan koob kubadda cagta ah oo loo qabtay 17 ka degmo ee gobolka Banaadir oo sannad walbo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa baaqday labo jeer oo hore, waxa ayna noqoneysa markii ugu horreysay oo Finalkan lagu qabto garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow tan iyo markii magaca laga badalay.

Waxaa lagu wada in ciyaartan ay ka soo qeyb galaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya , dhanka kale waxaa heer gabo gabo ah ku dhow dib u habeynta lagu sameynayo garoonka weyn ee Muqdisho Stadium.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment