Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta sidoo kale guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Cabdicasiis Cismaan Jaamac ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Waaberi, kaasi oo Guddoomiyihii hore ee Degmadaas Allaha u naxariistee Mahad Cilmi oo ku geeriyooday Qaraxii 24-kii July ee 2019 ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Waa Guddoomiyihiin labaad ee Duqa magaalada Muqdisho Isniintii maanta uu magacaabay, iyadoo Gudoomiye cusub loo magacaabay Degmada Shangaani.
Guddoomiyeyaasha cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay yihiin rag dhalinyaro ah oo looga fadhiyo inay qabtaan shaqooyin adag.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com