Wararka Maanta

Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo kulan xasaasi ah la yeeshay qaar ka mid ah musharraxiinta Galmudug

Muqdisho (Halqaran.com) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa waxaa uu Magaalada Muqdisho uu weli ka wadaa kulamada uu la qaadanayo dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya ayaa wuxuu maanta Xerada Xalane uu ku qaabilay Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Musharax Kamaal Guutaale, oo labaduba ka mid ah Musharaxiinta Madaxtinimada ee Maamulka Galmudug.

Safiirka Mareykanka ayaa qoraal uu soo dhigay barta Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ku leedahay Twitter-ka wuxuu ku sheegay in xubnahan ay ka wada hadleen baahida loo qabo, sidii ay Doorashada Galmudug u noqon laheyd mid ku qabsoomta si hufnaan leh.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in hay’ado dowladeed oo adkeysi badan ay ka guuleysan karaan dhibaatooyinka bani’aadanimo iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisida, isla-markaana ay dalka u horseedi karaan deganaansho iyo barwaaqaba.

Kulanka uu Amb. Yamamoto la qaatay Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli labaduba ay maalintii Sabtida walaac ka muujiyeen Ciidamadii Militariga Itoobiya ee Khamiistii gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Xukuumadda Washington ayaa waxay u muuqataa mid il gaar ahi ku eegeysa siyaasadda dalka, waxayna ka feejigan tahay in tii Baydhabo oo kale ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment