Wararka Maanta

UPDATE: Puntland oo xabsiga dhigtay Nabaddoon C/casiis Cabdi Baydhabood‚ ”Waa Nabaddoonkii 5-aad ee la xiro”!

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Boosaaso (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska Puntland ayaa gelinkii dambe ee Isniintii maanta xabsiga u taxaabeen Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood ka soo xireen hoyga uu ka degan yahay Magaalada Boosaaso, oo ku dhow Hotel Bulsho.

Ciidamada Booliska ayaa waxay ninkaasi ku xireen mid ka mid ah xarumaha laamaha amniga ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabo ayaa wuxuu ku biirayaa shanta Nabadoon ee maalmihii la soo dhaafay lagu xiray Magaalada Boosaaso iyo Siyaasiga Muuse Cali Jaamac.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay dhammaadkii toddobaadkii hore ay Magaalada Boosaaso ku yeesheen kulan ay ku dhaliileen Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Odayaasha ayaa waxay ka horyimaadeen heshiiska ay Puntland la gashay Shirkadda DP iyo heshiiska kale ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso loogu wareejiyay shirkad kale oo laga leeyahay Emirate-ka Carabta.

Ugu dambeyn, maamulka Puntland, kan Gobolka Bari iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin tallaabada lagu soo xiray Nabadoon Baydhabood oo noqonayo Nabadoonkii lixaad oo toddobaadkan lagu xiro Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

One Comment

  1. Waxa aad Xamar ku gubeysaan , oo kale suurtagal kama aha Puntland, walee idinkaa ku gubanaya waxaad doontaan qora, wixii xun Puntland wey iska qabaneysaa waana la xirxirayaa, waa dad la soo buufiyey, ee xamar laga soo direy, waa jibkoodaa la marinayaa.

    Reply

Post Comment