Ciidamada AMISOM oo Odayaal ku xir-xiray Buulo-Burde iyo Bannaanbax ka dhacay halkaasi

Odayaasha Buulo Burde

Buulo Burde (Halqaran.com) – Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ee  ku sugan degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay Xabsiga dhigeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmadaas, kuwaas oo kasoo horjeestay Maamulka Hirshabeelle.

Odayaasha la xiray oo gaaraya illaa Saddex ayaa kasoo horjeestay Maamulka cusub ee degmada Buulo Burde ay dhawaan u soo magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, kaas oo uu khilaaf ka taagan yahay.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo ka mid ah Odayaasha Buulo burde ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle & Ciidamada Amisom ay u sheegeen inaysan raali ka aheyn maamulka cusub ee Degmada loo soo magacaabay.

Qaansaweyne ayaa sheegay intaasi markii ay u gudbiyeen Saraakiisha Ciidamada Amisom & Maamulka Hirshabelle in la xiray qaar ka mid ah Odayaasha uu isaga ka mid yahay.

Illaa Saddex Oday ayuu sheegay in Ciidamada Amisom ay xireen, amarkaasina uu bixiyay Maamulka Hirshabelle, arrintaasi uu ku sheegay inay tahay mid xadgudub ah.

Dhinaca kale, magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa Tallaadadii maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo safar la sheegay in uu degmdaasi ku tegayo Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa la sheegay inay ku baxeen Banaanbaxa oo ay kala eryeen dadkii Banaanbaxaasi dhigaayay.

Si kastaba, ilaa iyo hadda lama oga Wasiir Caadle inuu baajin doono safarkiisa iyo inuu tagi doono Magaalada Buulo Burde, maadaama Banaanbax isaga looga soo horjeedo uu halkaasi ka dhacay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here