Odayaasha dhaqanka Galmudug oo Eedeyn kulul u jeediyay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya+(SABAB)!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa eedeeyn u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku eedeeyeen in uu xareeyay Odayaal aan ka mid aheyn Saxiixayeyaasha Galmudug si ay u soo xulaan Xildhibaanada Galmudug.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aysan ka mid noqon doonin maamulka Galmudug haddii Wasiirka Arrimaha Gudaha uusan Odayaasha dhaqanka ka joojin faragalinta uu ku haayo qaar ka mid ah beelaha Galmudug.

Waxaa ay sidoo kale xuseen in dowladda Soomaaliya ay dooneyso shaqsiyaadka ay xareysan in ay soo xulaan xildhibaano taageersan.

Madaxweyne Farmaajo ayay ugu baaqeen in uu wax ka qabto dhibaatada ka taagan Dhuusamareeb ee uu waddo Wasiirka Arrimaha Gudaha ka hor in aysan dib ugu laaban degaanadii ay ka yimaadeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here