DAAWO SAWIRRO: Maxaa looga hadlay kulankii Wasiir Cawad iyo Safiirka Emirate-ka Al Hammadi?

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu maanta la kulmay Safiirka Emirate-ka Carabta ee u fadhiya dalka, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Wasiirka ayaa wuxuu Safiirka ku qaabilay hoygiisa Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dalka, horumarinta iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulanka isula soo hadalqaadeen Dekeda iyo Garoonka Boosaaso, oo ay gacanta ku hayaan shirkado laga leeyahay Emirate-ka Carabta. Wasiirka ayaana la sheegay in Safiirka uu la wadaagay sida ay muhiim u tahay in la qaboojiyo walaaca ay qabaan dadka reer Boosaaso.

Kulankan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari ay Dowladda Somaliya ugu baaqeen inay ka hadasho fara-gelin ay sheegeen inay Emirate-ka Carabta ku hayso.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa Magalaada Boosaaso ka tagnaa kacdoon ay Odayaasha Dhaqanka ka muujiyeen shirkadaha laga leeyahay Emirate-ka ee lagu wareejiyay Garoonka iyo Dekeda Boosaaso.

Toddobaadkan ayaa waxaa Magaalada Boosaaso lagu xiray, lix ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari, ee diiday heshiiska Puntland iyo shirkadaha laga leeyahay dalka Emirate-ka Carabta. Waxaa xusid mudan in nin kaloo siyaasi ah loo xiray diidmadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here