CAAFIMAADKA: Halista caafimaad ee ‘Cholestrol’ iyo sida looga hor tegi karo

Muqdisho  (Halqaran.com) – Cilmi baadhis la sameeyey ayaa ku talisay in ay lagama maarmaan tahay in qofku marka uu gaadho dhawr iyo labaatan jir bilaabo in uu iska baadho xaddiga Cholestrol-ka (dufanka dhiigga ku jira) si ay u fududaato in la sii ogaan karo cudurrada halista ah ee wadnaha ee qofkaa ku dhici kara.

Sida ay sheegtay daraasaddaa cusubi, la socodka heerka xaddiga Cholestrol-ku waxa faa’iidadeedu tahay in laga go’aan gaadho in ay suurto gal tahay in cudurada wadanaha iyo faaligga ku dhufta maskaxdu ay ku dhici karaan qofka inta uu nool yahay.

Daraasaddan oo ay baahisay majallada Lancet ee arimaha caafimaadku, ayaa lagu sheegay in ay tahay tii ugu ballaadhnayd ee ilaa haatan la fuliyo. Maadaama oo lagu darsay muddo tobanaan sano ah halista caafimaad ee xaddiga Cholestrol-ka ee qofka dhiiggiisa ku jirtaa ay u keeni karto inta uu nool yahay.

Cilmi baadheyaashu waxay sidoo kale intaa ku dareen in hadii goor hore la ogaado xaddiga Cholestrol-ka ee dhiigga qofka ku jira ay fududahay in tallaabo hoos loogu dhigayo qofku qaadi karo. Kuwaas oo kala ah in uu qofku qaabka cuntadiisa wax ka bedeli karo iyo sidoo kale dawooyin, waana arin mudan in aan dib loo dhigin.

Cholestrol-ku waa maxay?

Cholestrol-ku waa dux ku jirta cuntooyinka qaarkood sidoo kalena waxa soo saara beerka oo dhiigga ku dara.

Maadadan qofku wuu u baahanyahay oo waxay ka kaabtaa in jidhku soo saaro walxaha kiimikaad ee ay ka midka yihiin Oestrogen iyo Testosterone iyo sidoo kale Fiitamiin D.

Cholestrol-ku wuxu u kala baxaa laba nooc:

Cholestrol-ka cuffan (HDL) oo lagu tilmaamo ka ‘fiican’ sababta ka fiican loogu tilmaamayna waxa weeyi inuu jidhka ka caawiyo caafimaad qabkiisa guud.

Cholestrol-ka khafiifka ah (LDL) oo lagu tilmaamo ka ‘xun’ sababta ka xun loogu tilmaamayna waxa weeyi in uu xididada dhiigga xannibo.

Brofesoor Steven Blankenberg oo ka mid ahaa hormoodkii cilmi baadhista, kana tirsan mac-hadka caafimaadka wadnaha ee jaamacadda Hamburg ayaa sheegay in ” halbeegga haatan loo adeegsado xaddiga Cholestrol-ka halista ah uu yahay marka qofka la siiyo dawooyin hoos loogu dhigayo xaddiga, laakiin uu sidoo kale ku haboonyahay in lagu qiyaaso halista cudurrada wadnaha ee qofka ku dhici karta 10 sano ee soo socda”.

Waxa iyadna jirta in qiyaastii sideed milyan oo qof oo ku nool dalka Ingiriisku ay qaataan irbadaha Estatin ee hoos u dhiga Cholestrol-ka xun.

Hase yeeshee qasab ma aha in qof kasta oo Cholestrol-ka qabaa uu qaato irbadahaas, dhakhaatiirtuna kulama taliyaan qof kasta in uu irbadahaas qaato.

Borofessor Blankenburg oo BBC-da la hadlayey ayaa yidhi ” waxaan aad ugu la taliyaa dhalinyarada in ay la socdaan xaddiga Cholestrol-ka ee dhiigooda ku jira iyo in ay go’aanno haboon qaataan oo ay arintaa wax kaga qabanayaan oo ay ku jirto in ay irbadahaas qaataan”.

Waxaanu intaa ku daray in ay halis badan tahay in uu qofku ku kaaftoomo oo keliya irbadahaas oo aanu hab nololeed firfircoon oo caafimaadkiisa wax taraya ku dhaqmin, waxaanu farta ku fiiqay in aan weli la samayn daraasado lagu ogaanayo saamaynta taban ee dawooyinkaas caafimaadka qofka ku yeelan karaan marka uu muddo tobanaan sano ah isticmaalo.

Xigasho –BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here