DAAWO VIDEO: Feysal Cali Waraabe oo weerar ku qaaday Danjire Camey ‘‘Somaliland Waa la Kala Jar-Jarayaa”!

Hargeysa (Halqaran.com) – Feysal Cali Waraabe guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee Puntland ahna Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Eng. Cabdixakiin Camey.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay inuu Eng. Camay Khatar ku yahay Somaliland oo uu burburinayo, isagoona xusay in uu ka shaqaynayo Camay Maamul loo samaynayo Sool, Sanaag iyo Cayn.

Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale xusay, in Camay uu arrintaasi ka soo dhammeynayo Ururka IGAD, wuxuu Tusaale u soo qaatay Marti qaadka Camay u Fidiyey Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-Daareed Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland iyo Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, hadana loo magacaabay Ergayga Turkiga ee Wadahadalka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Si  kastaba, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyn ka dhawaajiyay in Somaliland lagu soo duulay, balse ay isku meeraysanayso, sida uu hadalka u dhigay.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here