DAAWO VIDEO: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweysay raali-gelintii Siyaasi C/raxmaan C/shakuur

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan haddii ay yihiin culimada Soomaaliyeed Towbad Keenka iyo raali gelinta uu bixiyay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay inaysan culumada si qaldan u fahmin hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse uu ahaa hadal gaf ku ah diinta Islaamka iyo beeninta xaadiith saxiix ah.

Wuxuu sheegay inuu Sheekh Bashiir ahaan ku qancay raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sheekh Bashiir ayaa tilmaamay in uu Cabdiraxmaan si joogta ah u aflagaadeeyo culumada, balse aysan iyaga taas ka jawaabin ayna u taallo isaga iyo Allah.

Wuxuu kaloo Sheekhu xusay, in aysan marnaba raali ka noqon karin in Diinta lagu xad gudbo ayna iyaga u taagan yihiin ilaalinta Diinta.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad wuxuu hadalkiisa imaanayaa, xilli Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo duubay muuqaallo badan oo uu ku sheegayey inuusan beenin Axaadiista saxiixa ah ee laga wariyey Nabigeena Suuban (NNKH).

Halka hoose ka daawo Muuqaalka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Gabdhahaan u bixin jirey Culuma, kuwaan wey dheereynayaanm waa in qaarna qoorta laga gooyo qaarna la garaaco ee la xirxiro, munaafaqiinta. walee in aaney Somaliya degeyn inata kuwaa aad madaxa u salaaxeysaa, oo walaahi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here