DAWO VIDEO + XOG XASAASI: Xildhibaan ka digay in la doorto madaxweyne Al-Shabaab ah, Maxa cusub?

Xildhibaan Maxamuud Cabdulaahi Sheekh Siraaji

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Maxamuud Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa ka digay in doorashada soo socota ay Baarlamaanka ka buuxsamaan Al-Shabaab, sidoo kalena xildhibaanno noqdaan.

Xildhibaanka oo ka hadlay Golaha shacabka gaar ahaanna habka ay noqoneyso doorashada soo socota ayaa sheegay in haddii lagu laabto doorashadii ergooyinka ee dhacday 2016 ay suuragal tahay in la doorto Xildhibaanno Al-Shabaab ah, ama ay Xildhibaannada doortaan Madaxweyne raacsan Al-Shabaab.

Maxamuud Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa ka digay in doorashada ergooyinka lagu laabto, waxaana uu soo jeediyay in la qaato doorashada qof iyo cod.

Waxaa uu ku dooday in la beddelo nidaamkii hore isaga oo shaki ka muujiyay ergooyinkii ay u yeereen Al-Shabaab oo uu sheegay in qorshaha doorashada qeyb ka noqon karaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, xildhibaan Siraaji ayaa waxaa uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka Soomaaliya, waxaana hadalkan uu ka sheegay kulan ay golaha uga doodayeen xeerka doorashooyinka ee ay Guddiga Xildhibaanada Golaha shacabka ee doorashooyinka soo diyaariyeen.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Xildhibaan Siraaji:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here