Wararka Maanta

Maayarka magaalada Nairobi oo maanta Maxkamad la hor-keenay

Nairobi (Halqaran.com)- Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa maanta waxaa maxkamadda la horkeenay Maayarka magaalada Nairobi isaga oo lagu soo eedeeyay falall dambiyeedyo fara badan taasi oo keentay in xabsi loo taxaabo todobaadkan gudahiisa.

Mike Sonko ayaa gaashaanka u duruuray Eedeyntii loo soo jeediyay asaga oo diiday inuu qirto dambiyadaasi gaaraya ilaa 30 eedeeymo.

Gudoomiye Mike Sonko ayaa ah sarkaalkii u danbeeyey ee dowladeed ee lagu soo oogo dacwado la xiriira musuq maasuq ee dalka Kenya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka faa’iiday lacago uu si sharci darro ah ku helay oo gaaraya ilaa 3 milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah.

Maayarka ayaa diiday inuu qirto dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey markii la horkeenay maxkamad qaabilsan la dagaalanka musuq maasuqa ee uu xaakimka ka yahay Douglas Ogoti iyadoo ammaankana ay sugayeen booliska rabshada ka hortaga.

Qaar kamid ah Qareennada dowladda ayaa ka hor akhriyey Maxkamadda, War Bixin faahfaahsan oo ah Akoonnada bangiyada ee Sonko iyo dhowr mar oo lacago ay ku soo shubeen qandaraasleyaal ku guuleystay tartanka qandaraas ee gobolka uu maamulo Sonko.

Ma ahan markii ugu Horeysay ee Saraakiil iyo Xubno Ka tirsan Dawlada kenya la gu soo eedeeyo Musuqmaasuq.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

Post Comment