UPDATE: Faah-faahin cusub oo ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay gobolka Mudug & Khasaarihii oo…

0

Mudug (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaysa dagaal beeleed Isniintii maanta ka dhacay agagaar degmada Towfiiq iyo tuulada Afbarwaaqo ee bariga gobolka Muqudg.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegay in dagaalka deegaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay, halka ay ku dhaawacmeen in ku dhow 15 ruux.

Dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedkaas ayaa markii hore la kala geeyey  degmada Jiriiban iyo Tuulada Afbarwaaqo, balse markii dambe waxaa kuwii cuslaa loo soo qaaday Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka oo saaka bilowday ayaa soconayey muddo saacado ah, wuxuuna istaagay duhurnimadii maanta, waxaana wali ka dhow aagii ciidamo beeleedyadii ku dagaallamay, iyadoo aysan jirin cid kala dhexgashay.

Beelaha dagaalamaya ayaa ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalkoodu salka ku hayaa muran dhul-daaqsimeed oo ay kala sheeganayaan labada beelood.

Waxay aheyd khamiistii la soo dhaafay markii sidaan oo kale labada maleeshiyo beeleed dagaal culus ku dhexmaray deegaanadaas, kaas oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Beelaha ku dagaalamaya bariga gobolka Mudug ayaa loo diray baaqyo nabadeed oo looga dalbanayo in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

Ugu dambeyn, gobolka Mudug waxaa naafeeyey dagaallo soo noqnoqda oo u dhexeeya qabaa’ilo Soomaaliyeed oo wada-dega gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here