XOG CUSUB: Maxaa ka soo baxay Kulankii Nairobi ku dhexmaray Shariif Sh. Axmed, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan?

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka degan yahay malaada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale kulanka waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Masuuliyiintaan ayaa ka wada hadlay sidii ay ku qabsoomi laheyd doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo, islamarkaana aysan u dhicin wax muddo kororsi ah.

Intii kulanka uu socday waxa ay ka sinaayeen saddexdaan masuul doorashada waqtigeeda inay ku dhacdo, maadaama dalka isaga oo xaaladan amni iyo dhaqaale ka liita inay dhacday doorasho.

Sidoo kale, magaalada Nairobi ayaa ka soconayo kulamo kala duwan oo Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya looga hadlaayo, islamarkaana culeesaad lagu saaraayo dowladda Federalka Soomaaliya.

Xisbiyada Siyaasadda dalka ka jira ayaa si wayn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya inay sameyso Arrimo la xiriira muddo kororsi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here