AKHRISO: Guddoomiyaha BF Soomaaliya ‘Mursal’ oo magacaabay guddi cusub (Maxay ahaayeen)?

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BF Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Axada maanta magacaabay guddi cusub oo ku aadan fatahaadaha uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Gobolka Shabellaha Hoose, sida Degmada Afgooye oo kale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban 11 xubnood, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa waxaa la faray in uu fududeeyo wixii tasiilaad ah, ee ay u baahan yihiin Guddigan cusub, si ay waajibaadka loo igmaday.

Fatahaadaha uu Webiga Shabelle ka sameeyay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa wuxuu saamaynta badan ku yeeshay dadka beeraley.

Halka hoos ka akhriso:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here