Wasiir Maareeye oo maanta hortagaya Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya si su’aallo looga…

0
Wasiir Maxamed Cabdi Maareeye /Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Maareeye ayaa looga yeeray Xarunta Golaha Shacabka Somaliya, waxaana lagu wadaa inuu Axadda maanta hortago Golaha.

11-kii Bishaan ayaa Xildhibaano gaaraya 11 Xubnood waxaa ay  Guddoonka Golaha Shacabka  u gudbiyeen qoraal ay uga codsanayaan in uu wasiirka horyimaado si wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka, waxaana guddoonka uu soo saarey Warqad uu wasiirka uga dalbanayo in uu Golaha horyimaado 15 Bishaan oo Maanta ah.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa su,aalo laga waydiin doonaa sababta Xildhibaanada qaar wararkooda aanan looga soo daynin Warbaahinta dowladda.

Inkastoo maanta Golaha Shacabka ay la xisaabtamayaan Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ayaa Warbaahinta dowladda maalmihii la soo dhaafay waxa ay bilowday inay baahiso Khudbadaha Xildhibaanada qaar ee dhaliilsan dowladda.

Inta badan Warbaahinta dowladda ayaa waxaa laga sii daayaa wararka la xiriira taageerada dowladda oo kaliya, balse ay adag tahay in laga sii daayo wararka ku saabsan mucaaradada dowladda.

Ugu dambeyn, wasiir Maareeye ayaa ka jawaabi doono su,aalaha xubnaha Golaha Shacabka Somaliya ay waydiin doonaan maanta oo Axad ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here