UPDATE: Madaxweyne hore oo Dil lagu xukumay (Ogow Sababta)!

Madaxweynihii hore ee Pokistan, Pervez Musharaf /Sawir hore /Google

Pakistan (Halqaran.com) – Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa xukun dil ah ku xukuntay Madaweyinihii hore ee dalkaas Pervez Musharaf, kaddib markii ay ku eedeysay inuu galay khiyaano qaran, islamarkaana uu jabiyay dastuurka dalka Pakistan.

Musharaf ayaa af-gambi milatari ku qabsaday talada dalkaas sandkii 1999-kii, hadda ma joogo gudaha Pakistan wax war ahna kama soo bixin oo la xiriira xukunka ay ku ridday maxkamaddu.

“Pervez Musharaf waxaa lagu helay in uu jebiyay qodobka 6-aad ee dastuurka “ ayuu yiri sarkaal dhanka sharciga ah oo la yiraahdo Salmaan Nadiim.

Madaxweynihii hore oo haatan da’diisa tahay 76 jir ayaa ku nool magaalooyinka Dubai iyo London.

Musharaf ayaa xilka ka degay Sanadkii 2008 markii guuldaro weyni ay soo gaartay xulufadii siyaasadda kadib dilkii Ra’isul wasaarihii hore ee Baakistaan Benazir Bhutto.

Eedeymaha maxkamadda ayaa la xirrira markii u dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah sanadkii 2007 markaas uu wajahayey mucaradad ka dhan ah xukunkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here