Cabdixakiin Dhooba-Daareed: ”Puntland waxay u gacan gashay kaligiis taliye”!

Garoowe (Halqaran.com) – Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland, CabdiXakiin Maxamad Axmad (Dhooba Daareed) ayaa si kulul uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey, isaga oo eedeyn u jeediyey Madaxda Puntland iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas.

Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal ayuu ku sheegay in Puntland ay xiligaan gacanta u gashay kaligii Taliye, sidoo kalena Xildhibaanada Barlamaanka Puntland ay Maslaxadii Ummadda ka doorteen Lacag iyo laaluush sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlaayey ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay ku socoto wadadii bur burka hadii wax laga qabana  arintaasi ay Dadka uu matalo ka tashan doonaan Aayahooda.

Mar uu ka hadlayay Arimaha Doorashooyinka ku saleysan Dimoqaraadiyada ee Puntland waxa uu sheegay in Saddex Beelood kaliya ay isku koobeen Hoggaaminta Maamulka Puntland.

17-kii Bishii November ee sanadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland waxaa ay xilkii Guddoomiyenimo ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed, iyaga oo ku eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here