DAAWO SAWIRRO: Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo tegay deegaanadii dagaallada ay ka dhaceen ee Xudduuda Somaliya iyo Itoobiya

Boorancad (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray deegaanada xuduuda Somaliya iyo Itoobiya dhaca, ee ay Jimcihii ku wada dagaalameen dad reer miyi ah iyo Ciidanka Liyuu Booliska.

Ciidankan ayaa waxaa horkacayay Taliye-yaasha kala ah Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad, General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 13aad, G/le Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud (Timacadde) iyo Taliyaha Ciidanka Danab ee Qaybta 21aad, G/le Mukhtaar Cabdi Aadan, iyagoona gaaray Deegaanka Boorancad oo dagaalkiisa xoogiisu uu ka dhacay.

Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay inay kala wareejiyaan maxaabiis lagu kala qabtay dagaalkii xooganaa ee Jimcihii ka dhacay deegaano ay ka mid tahay Boorancad.

Saraakiishan ayaa waxay duleedka Boorancad kula kulmeen Ciidanka Liyuu Boolis, iyagoona halkaasi ku kala wareejiyay maxaabiistii dagaalka lagu kala qabsaday.

Madaxweyne Kuxigeenka waqtigiisa dhammaaday ee Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay dadaalada ay ku bixinayan, sidii loo soo celin lahaa xasiloonidii deegaanadaasi ka jirtay.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in Galmudug iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay wada direen labada ciidan, si ay u qaboojiyan xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay. Carabey ayaa xusay in labada ciidan ay ka wada hadleen, sidii loo soo celin lahaa amnigii ka jiray deegaanadaasi.

Dagaaladan ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow labaatan ruux oo labada dhinac ah, waxaana tan iyo Sabtidii degan xaaladda deegaanadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here