AKHRISO: Shuruudaha looga mid noqon karo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo la soo saaray

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa soo saaray Shuruudaha ka mid noqoshada Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka xigga ee Galmudug, waxaana sharuudahan la soo saaray, xilli aanay horey u kala cadayn qofka noqon kara Mudane Baarlamaanka Galmudug ah.

War saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa shuruudo lagu hordhigay musharixiinta doonaya iney ka mid noqdaan Golaha Wakiilada maamulka Galmudug.

Shuruudahaan oo gaaraya illaa 11 qodob ayaa waxaa ka mid ah in uu diyaar u noqdo in imtixaan asaasi ah laga qaado, si loo ogaado heerkiisa/keeda aqooneed iyo waaya aragnimo.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka iyo Shuruudaha:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here