Wararkii ugu dambeeyay duqeyn khasaare geystay oo ka dhacday gobolka Jubbada dhexe

Bu’aale (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in xalay duqeyn lala beegsaday Magaalooyin ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxa ay ka kala dhacday Magaalooyinka Jilib iyo Bu‘aale oo ka tirsan Gobolka Jubbad Dhex, halkaasi oo ah meesha ugu badan ee Saraakiisha Shabaab ay joogaa.

Laba duqeyn ayaa la sheegay in lala beegsaday xarun tababar oo ku taala inta u dhexeysa Jilib iyo Hargeysa yarey, iyo Degmada Bu’aale.

Ilaa iyo hadda lama oga duqeyntaasi Khasaaraha ka dhashay balse Saraakiisha Ciidamada Militariga Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in Al-Shabaab khasaare lagu gaarsiiyay duqeyntaasi.

Dhinaca kale, Degmada Bu’aale ayaa waxaa xalay duqeyn lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan macalimiinta bixiya tababarada Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Macalin Yoonis Karaama oo loo yaqaano Abuu Cuteyba, xili uu ku sugnaa hoygiisa.

Ma cadda in Sarkaalkaasi duqeynta lagu dilay & in kale balse wararka waxa ay sheegayaan duqeyntaasi inay ka dhalatay waxyeelo Shabaab soo gaartay.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa inta badan fuliya duqeynta ka dhacda Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here