UPDATE: Nin Askari ah oo Shan kun Shillin Soomaali dartiis u toogtay qof shacab ah

Magaalada Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Hirshabeelle uu nin Ganacsade ahaa u dilay Shan kun oo Shilin Soomaali ah.

Dilka ninka ayaa yimid, kadib markii Askariga uu waydiistay in uu bixiyo lacagta Ninka oo Suuqa Jowhar ku iibinayey Mallaay, hayeeshee uu sheegay in uu hadda hayn balse xabad uu ku dhuftay, sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Jowhar.

“Isii 5 kun Sh. Somali ah Walaalow ma haayo illaa aan ka gadanayo mallaayga aan soo qaatay isug may madaxa ayuu uga dhuftay xabad Shan kun darteed ayuu u dilay askarigiina wuu bxasaday, waxaana ka codsanayaa laamaha amniga in sharciga la horkeeno dilaaga si xaqdarada ah ku dilay maskiinkaan ayuu yiri” qof kamid ah dadka Jowhar.

Intasi kadib Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka bilowday banaanbax looga soo horjeeda dilka askariga uu u gaystay ninka Ganacsadaha ahaa, waxaana banaanbaxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ee Magaalada Jowhar.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka macno darada ee loo gaysanaayo dadka shacabka ayaa ku badan Gobolada dalka Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here