DAAWO VIDEO: RW Kheyre oo si kulul uga hadlay qaraxii lagu le’day ee Ex-Kontrol Afgooye, guddi gurmadna u magacaabay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellado kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeellado kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka RW Kheyre:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here