DAAWO SAWIRRO: Dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga oo la geeyay magaalada Ankara

Ankara (Halaqaran.com) – Diyaarad siday dadka dhaawacyada ugu daran uu ka soo gaaray weerarkii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa xalay dhawacyadooda geysay Magaalada Ankara ee Xarunta Dalka Turkiga.

Dadkan oo lix iyo toban qof gaaraayay ayaa mid ka mida oo haweeney ahayd u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxa. Haweeneydan ayaa geeriyootay wax yar un ka dib markii la geeyay Magaalada Ankara, waxaana lagu magacaabi jiray Amina Cismaan Khayre.

Dhaawacyada la geeyay Magaalada Ankara ayaa loo arkay kuwo aan dalka waxba looga qaban karin, loona baahday caafimaad dibadda ah.

Dowladda Turkiga ayaa yabooh caafimaad ugu deeqday dadkaasi, oo isugu jira carruur, dumar iyo ragba.

Intii ay diyaaradda hawada ku sii jirtay ayaa waxaa xaaladda dhaawacyada la tacaalaayay dhakhaatiir u dhashay dalkaasi.

Sidoo kale diyaaradan ayaa horey Magaalada Ankara ugu sii qaaday meydadka labadii qof ee Turkiga u dhashay, ee ku dhintay weerarkii argagixiso ee maalin ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa dhaawacyada ka daabulay Garoonka Etimesgut, oo ah mid ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Turkiga, waxaana dhaawacyada la geeyay illaa saddex isbitaal oo ku yaala Magaalada Ankara, horeyna loogu sii diyaariyay dhakhaatiir daryeesha caafimaadkooda.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo khadka teleefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muujiyay in dowladiisa iyo dadkiisuba ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeedba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *