NISA: Weerarkii Argagixiso ee Ex Control Afgooye waxaa soo qorsheeyay Dal shisheeye! & baaritaan weli socda

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ogaatay in dal shisheeye uu soo maleegay (qorsheeyay) weerarkii ismiidaaminta ee maalintii Sabtida ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliska NISA ayaa sheegay inay Madaxda Qaranka la wadaageen baaritaan horudhac ah oo muujinaya in qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye uu soo abaabulay dal shisheeye.

Qoraal ay NISA ku baahisay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay si loo soo geba-gabeeyo baaritaankan socda ay kala kaashan doonaan Hay’adaha Sirdoonka Caalamka qaarkood.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) qoraalka kuma xusin dalkaasi.

Qoraalka NISA sidaan ayaa u qornaa:

“Waxaan Madaxda Qaranka u gudbinay warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in xasuuqii shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Magaalada Muqdisho, 28-12-2019 uu qorshayntiisu lahaa dal shisheeye.”

“Baaritaanka socda si loo dhameystiro waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha Sirdoonka Caalamka qaarkiis.”

Tani ayaa waxay bannaanka keenaysaa tuhunkii ay dadka Soomaaliyeed ka qabeen in dalal shisheeye ku lug leeyihiin qaraxyada ka dhacaya Magaalooyinka Dalka.

Qaraxan oo uu fuliyay nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galaaftay nolosha 87 qof, halka 148 kalena ay ku dhaawacantay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here