Madaxweyne CabdiQaasim oo si kulul uga hadlay qaraxii lagu laayay Shacabka Soomaaliyeed ee Ex Control Afgooye

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaadim Salaad Xasan /Photo Screenshot Halqaran.com

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaadim Salaad Xasan, ayaa ka hadlay qaraxii dadka badan lagu xasuuqay ee maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdiqaadim Salaad Xasan, ayaa marka hore sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada intaa le’eg ee qaraxaasi uu u gaystay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu uga tacsiyadeeyay dhibataada ka dhalatay qaraxaasi, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed ku dhaliilay inaanay hal meel uga soo wada jeedsan kooxaha maalin kasta dhibaateenaysa, isla-markaana ay gacmahooda ku kasbadeen.

Si dadka Soomaaliyeed ay qaraxyada iyo masiibooyinka soo noq noqday uga gudbaan ay tahay inay wada shaqeeyan Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabdiqaasim ayaa ku celceliyay inaanan laga gudbi karin dhibaatooyinka taagan, haddii aanay ka wada shaqayn dowladda iyo shacabkuba.

Si kastaba ha’ahaatee, 87 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimteen qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, halka 148 kalena ay ku dhaawacantay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here