UPDATE: Maxaa ka soo baxay kulankii maanta Muqdisho ku dhexmaray Safiirka Imaaraadka ee Somaliya iyo Wakiilka Q.M James Swan?

Bixid, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa kulan gaar ah Tallaadadii maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Xamaada oo maalmihii la soo dhaafy ku sugnaa Muqdisho iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan.

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu soo bandhigey kulankaas labada dhinac, hayeeshee aan lagu faah faahin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Safiirka Imaaraadka Carabta oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, waxaa uu dhawaan la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda uu la kulmo madax kale.

Dowladaha Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xilligaan xiriirkooda waxaa uu yahay mid hoos u dhacay tan iyo markii uu xumaaday,kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Garoonka Muqdisho ku qabatay lacag dhan 10 Milyan oo Dollar oo laga lahaa Imaaraadka.

Sidoo kale, baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod u qaadeen qodob ku saabsanaa in dalka laga saaro Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ka caawin jirtay dhinaca tababarada Ciidamada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here