Maxaad ka ogtahay qodobbada ay ku heshiiyeen ra’iisul wasaare Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu-Sunna?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Kulan saacado badan qaatay ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ku yeeshay ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud. waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriir dhismaha Galmudug.

Labada dhinac ayaa waxaa ay siweyn u lafa gureyn arrin ku saabsan 20 Xildhibaan ee la siiyey Ahlu sunna oo dowladda Soomaaliya ay culeys weyn ku heysay, balse laga heshiiyey.

Wararka ay haleyso Halqaran.com, ayaa waxa ay sheegayaan in la isla gartay qodobo ay kamid yihiin  in 20-ka Xildhibaan codkooda siiyaan Musharaxa dowladu wadato taas badalkeedna Dowladu fududeyn doonto in Ahlu-Sunna hesho guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug.

Geesta kale, wasiirka arimaha guddaha iyo xildhibaanada Galmudug ka soo jeeda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ra’iisul Wasaaraha la qaatey kulan looga hadlay sidii beelaha looga dhaadhicin lahaa in ay joojiyaan cabashada ay ka muujiyeen Xildhibaanada Ahlu-Sunna soo xushey.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here