Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga & Gabar Ardayad oo geeriyootay

0
Waa qaar ka mid ah dhaawacyada loo qaaday dalka Turkiga
Waa qaar ka mid ah dhaawacyada loo qaaday dalka Turkiga

Ankara (Halqaran.com) – Danjiraha dowladda Federalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay tahay xaaladda dhaawacyadii cuslaay ee loo qaaday dalka Turkiga, kuwaasi oo ku dhaawacmay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Shabaab Sabtidii ay ka gaysteen Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi (Caydiid) ayaa sheegay afar Isbitaal in loo kala qaybiyay dhaawacyada oo tiradooda ay gaareysay illaa 16 ruux.

Danjire Jaamac ayaa xusay in ay geeriyootay gabar ka mid ahayd dhaawacyada, wuxuuna rajo wanaaagsan ka muujiyay adeegyada caafimaad ee ay wadaan dhaqaatiirta Turkida ee la tacaalaya xaalada dhaawacyada.

“Afar isbitaal ayaa loo qaybiyay dadkii Ankara la keenay, lix iyo toban qof ayey ahaayeen saacad kadib markii dhaawaca la  keenay gabadh ardayad aheyd ayaa dhimatay oo jaamacad Banaadir dhiganeysay kulliyada caafimaadka Aamina Cumsan Kheyre AUN, dadka la keenay waxay ahaayeen afar kamida waa caruur oo da’ doodu u dhexeyso laba ilaa afar iyo toban jir” ayuu yiri Danjire Jaamac.

10 qof ka mid ah dhaawacyada waxa ay ku jiraan xaaladaha deg dega waxaana la tacaalayaa dhaqaatiirta Turkiga, halka Shan ruux ay yihiin kuwa xaaladooda ay soo hagaagtay.

Qaraxii ka dhacay Excontrol Afgooye, ayaa waxaa sheegatay masuuliyadda Al-Shabaab oo Idaacadooda ka sheegay 23 ruux inay ku dhinteen Qaraxaasi, balse xaqiiqda ayaa ah 87 ruux inay ku nafwaayeen Qaraxaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here