Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ku qaaday xero ciidamada Kenya ay degan yihiin oo ku taallo..

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab /Sawir hore/

Lamu (Halqaran.com) – Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday xero ciidamada Kenya ay degan yihiin oo ku taallo gudaha dalkaasi Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaysa in weerarkaasi uu ahaa mid ay sii qorsheeyeen Shabaab, islamarkaana Xerada la weeraray lagu magacaabo simba kuna taalla deegaanka “Manda Bay” ee Gobolka Lamu.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo in ka badan saacad ka socday Saldhiga la weeraray, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ka dhacay Saldhiga la weerarey ay ku geeriyoodeen Askar Kenyan ah sidoo kale ay waxyeelo kasoo gaartay Gaadiid kuwa Ciidamada ah oo Xerada yaalley,sida ay sheegeen qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha dalkaas.

Dowladda Kenya weli kama hadlin weerarka lagu qaadey Saldhig Ciidamadooda ku sugan yihiin ee ku yaalla Gobolka lamu, hayeeshee la filayo in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku daabaceen in Saldhigaas ay si wadajir ah ugu wada sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykan

Weerarka Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay Axaddii saaka ku qaadeen Saldhig ku yaalla lamu ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadkii hore la weeraray Afar Bas oo ka yimid Magaalada Mombasa kuna sii jeeday Gobolka lamu.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here