Maamulka Buurdhuubo oo daddaal xooggan ugu jira dib u dhiska Isbitaalka degmadaasi.

Isbitaalka degmada Buurdhuubo

Buurdhuubo (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo, Xassan Muxumed Cali (Xasan Yare) iyo masuuliyin uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tagay isbitaalka guud ee degmada Buurdhuubo oo uu Ka muuqdo burbur baahsan.

Isbitaalka Buurdhuubo oo aan shaqeyn in muddo ah ayaa hadda laga shaqeynayaa sidii dib loogu dhisi lahaa, islmarkaana ay bulshada uga faa’iideysan laheyd.

Guddoomiyaha Degmada Buurdhuubo ayaa hoosta Ka xariiqay inay socdaan daddaallo ay wadaan bulshada oo la doonayo in lagu uruuriyo taageero dhaqaale oo dib loogu dhiso cisbitaalkaasi.

Xasan Yare ayaa Hay’adaha Gargaarka Dowladda Federalka Soomaaliya iyo ganacsatada ka dalbaday inay gacan ka geystaan dhismaha Isbitaalka guud ee magaalada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here