Wararkii ugu dambeeyay diyaarado dagaal oo duqeeyay Xaflad Aroos oo ka socotay gobolka Jubbada Hoose

J/Hoose (Halqaran.com) – Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in dalka Kenya laga leeyahay ayaa beegsaday xaflad aroos oo ka socotay deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyadoona ay ku dhinteen dhawr qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Xafladda oo ka socotay Deegaanka Dayac Garoon oo qiyaastii 45km u jira Deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la soo sheegaya diyaarado dagaal inay bartilmaameedsadeen.

Guddoomiyaha Deegaanka Diif ee Maamulka Jubbaland, Axmed Salaad Axmed ayaa xaqiijiyay in duqayntaasi ay ku dhimatay saddex qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay.

Axmed Salaad Axmed, oo wareysi siiyay Idaacadd Kulmiye ee Muqdisho ayaa tilmaamay in duqayntaasi ay sidoo kale waxyeelo ka soo gaartay xoolo isugu jira ari, lo’ iyo dameero ku xareysnaa xero ka ag-dhaweyd goobta la duqeeyay.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu xusay in duqayntan ay dhacday saqdii dhexe ee habeenkii Axada soo galeysay, isla-markaana aanay garanayn ujeedada ka dambeysa in dad rayid ahi la beegsado.

Sida uu sheegay Axmed Salaad Axmed, Gudoomiyaha Deegaanka Diif waxaa suurtagal ah in dadkaasi lagu khalday maleeshiyada Al Shabaab, inkastoo sida uu qirayba aanay halkaasi Shabaabku joogin.

Gudoomiyaha waxaa uu tuhmaya in diyaaradaha weerarka gaystay laga leeyahay dalka Kenya, maadaama inta badan xilliyada habeenkii ay iyagu kormeer ka sameeyan deegaanada ku dhow dhow xuduuda.

Duqaymaha Militariga Kenya ka gaystaan Gobolada Jubbooyinka waxay waxyeelada ugu buuran ka soo gaartaa dadka xoolo dhaqatada ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here