
Muqdisho (Halqaran.com) – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa Tallaadadii maanta la kulmay Wasiirka Dastuurka ee DF Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.
James Swan ayaa kala hadlay Wasiirka Dastuurka qodobbo ay ka mid yihiin dib u eegista Dastuurka iyo muhiimadda ay u leedahay doorashada qorsheysan ee 2020.
Sidoo kale, ergayga Qaramad Madioobay ee Soomaaliya, ayaa kala hadlay baahida loo qabo wada-hadal qaran oo laga yeesho arrimaha muhiimka ah ee Dastuurka.
Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen taageerada Qaramada midoobay ee la xiriirta wacyigelinta ololaha Dastuurka iyo baahintiisa.
Wasiirka Dastuurka ee DF Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii loo dhammeystiri lahaa dastuurka dalka, islamarkaana Qaramada Midoobay ka codsadeen in loo muujiyo taageero.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com