Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo loo wareejiyay hoy ku dhow xarunta taliska Hay’adda Nabad Sugidda

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa loo wareejiyay hoy ku dhow Xarunta Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Habar Khadiijo.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa billihii ugu dambeeyay waxaa uu xabsi guri ku ahaa hoy ku yaala agagaarka Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo loo wareejiyay markii laga saaray xabsi ku dhex yaala Xarunta Hay’adda NISA.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay tallaabadan qaaday, kadib markii uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali uu maalmihii la soo dhaafay billaabay inuu cunnada ka soomay, isagoo caddaalad darro ka tirsanaayay Villa Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed, ayaa xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali la dejiyay hoy ku dhow Xarunta Taliska NISA.

Sidoo kale, Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu Isniintii bilaabay inuu cunnada quuto, kadib markii ay Dowladda Federaalka xalisay mid ka mid ah saddex waxyaabood, oo uu ka cabanaayay.

Cabdirashiid Cabdulaahi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye Muqdisho ayaa tilmaamay in waxyaabaha uu ka cabanaayay Abuu Mansuur ay kala yihiin hoygii lagu haayay oo amni ahaan uu walaac ka qabay, ilaalada la joogto oo dhawr bilood aan mushaar la siinin, taasoo uu u arkaayay arrin kale oo amnigiisa halis gelin karta iyo inuu dalbanaayay cadalaad uu helo, oo maxkamad la geeyo, kadibna uu go’aan maxkamadeed uu ku xirnaado amaba lagu sii daayo.

Abuu Mansuur ayaa xabsi guri ku sii ahaan doono hoyga laga dejiyay Waqooyiga Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku ilaalin doonaan ciidan ka amar qaata Dowladda Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 laga soo qabtay Magaalada Baydhabo, xilli ay ka socotay diyaargarowga Doorashada Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaana tan iyo xilligaa lagu hayaa Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here