Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliya ‘Cawad’ oo kulan muhiim ah la yeeshay Boqorka Sacuudiga +(SAWIRRO)

Riyadh (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Axmed ayaa Magaalada Riyadh ee Xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka mid ahaa toddobo Wasiir Arrimo Dibadeed, oo Isniintii la kulantay Boqorka Sacuudiga, waxaana uu kulankaasi ahaa mid boggaadin ah.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Sudan, Masar, Yemen, Sacuudiga iyo Jordan ayaa shalay Magaalada Riyadh kaga qaybgalay shir lagu aas aasaayay isbahaysiga Wadamada Carabta iyo Afrika ee dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Boqortooyada Sacuudiga ayuu ujeedkiisu ahaa in lagu dhiso isbahaysi mideeya Wadamada Carabta iyo Afrika ee kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salman oo si gaar ah u qaabilay Wasiiradan ayaa kaga mahadceliyay, sida ay dalalkooda uga soo jawaabeen casuumaaddii Sacuudiga, ee ahayd inay ka soo qaybgalaan shir lagu dhisayo isbahaysi kulmiya dalalkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here