Baydhabo: 134 Askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo tababar loo soo xiray

Baydhabo (Halqaran.com) – Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Janaraal Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa 134 askari oo ka tirsan CXD tababar ugu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Tababarka oo ay fududeynaysay Dowladda Ingiriiska socdayna muddo laba bilood ah ayaa qeyb ka ah dadaallada uu Ingiriisku ku gacansiinayo dib u dhiska hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ayay askartu ku soo bandhigeen dhoollatus iyo xirfado dagaal oo casri ah oo ay ku barteen muddadii uu socday tababarka.

Ciidamada ayaa tababarka ka faa’iideystay xirfado door ah oo ay ka mid yihiin habka loo Fuliyo Howlgallada iyo Sida la isaga difaaco weerarrada gaadmada ah ee ay soo qadayaan kooxaha dowladda dagaalka kala soo horjeeda, ilaalinta xuquuqda aadanaha, gargaarka degdegga ah iyo arrimo kale.

Munaasabadda ayay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed sida Wasiirka Amniga, Warfaafinta, Tamarta,iyo Biyaha Sarakiisha Ciidanka Booliska Mileteriga, saraakiil ka socotay Ciidamada Xoogga Dalka, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo masuuliyiin matalaysay Dowladda Ingiriiska.

Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender, ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada isaga oo u rajeeyay in tababarka uu waxbadan uu u tari doono marka ay tagaan furimaha colaadaha isaga oo intaa ku daray in Dowladda Ingiriisku sii wadi doonto dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa booliska ilaa inta ay ciidamada dowladdu si buuxda ula wareegayaan nabad gelyada dalka oo idil.

Tan iyo bilowgii sanadkii 2017-kii dowladda Ingiriiska ayaa tababartay in kabadan 900 oo askari oo Soomaali ah kuwaa oo ay u tababartay caafimaadka ciidamada, macallimiin, saadka iyo arrimo kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *