SPORTS: Sadio Mane oo Ku guulaystay abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Qaarada Africa 2019

Qaahira (Halqaran.com) – Xidigga garabka uga cayaara naadiga Liverpool iyo xulka Senegal Sadio Mane, ayaa loo doortay laacibka ugu fiicnaa Afrika 2019, munaasabad ka dhacday Qaahira.

Mane oo door muhiim ah ka qaatay guulaha Liverpool iyo ku guuleysashada koobka horyaallada Yurub ee Champions League-ga.

Laacibka garabka ka cayaara ee reer Senegal ayaa dhaliyay 22 gool isagoo sidoo kale ku guuleystay kabta Dahabka ah.

Sadio Mane ayaa ku hoggaamiyey xulkiisa in ay gaaraan Finl-ka koobka Africa oo ay wada cayaareen Senegal iyo Algeria.

27 jirkan ayaa sii wata qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee Liverpool isagoo xilli ciyaareedkan dhaliyay 11 gool sidoo kalena caawiyay 6 gool ayaa markii ugu horreysay ku guuleeystay abaal-marintan, taas oo labadii sano ee la soo dhaafay uu ku guuleystay Maxamed Saalax xidigga reer Masar oo iska ku jira laacibiinta u loolamayey abaalmarintan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *