DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Jubbaland ‘Axmed Madoobe’ oo maanta tagay deegaanka Cabdalla Biroole + (Ogow Ujeedka Safarkiisa)

Biroole (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Jimcihii maanta gaaray deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa u tagay Cabdalla Biroole, sidii uu u dhiira-gelin lahaa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, oo Khamiistii duleedka Kismaayo ka fuliyay hawlgal lagu dilay xubno Shabaab ka tirsanaa.

Madaxweynaha oo boggaadiyay Ciidamada Jubbaland ayaa ku tilmaamay kuwo naftooda u huraya, sidii nabadgelyada iyo xasiloonida gacan bir leh loogu qaban lahaa, isagoona taasi uga mahadceliyay.

Axmed Madoobe oo fagaare kula hadlay Ciidamada Jubbaland ee Cabdalla Biroole ku sugan ayaa sheegay in hawlgalkii ugu dambeeyay uu tusaale u yahay, sida ay Jubbaland uga go’an tahay xoraynta deegaanada ay Shabaabku ka jooggaan Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo hadalqaaday in Deegaanka Cabdalla Biroole laga hirgeliyay adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegyo kale, oo sida uu sheegay aan ka jirin deegaankaasi, xilligii laga xoreynayay Shabaab.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in kooxaha argagixisada looga adkaan karo, iyadoo ay dadka Soomaaliyeed u midoobaan la dagaalankooda, si looga gudbi falalka amni-darro, ee ay dalka ka gaysanayan.

Ugu dambeyn, dowladda federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan iyo Xoogaga Amisom ayaa dagaal kula jira maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Amisom ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here