Maxay qaban doonaan ciidankii NISA ee diyaaradda ka qaaday Muqdisho ee ka degay Deg.Baardheere?

Baardheere (Halqaran.com) – Waxaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka degay diyaarad ay la socdeen ciidanka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Ciidanka NISA oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii gaaray Degmada Baardheere, xilli ay aad u hubeysnaayeen, isla-markaana ay wejiyada u duubnaayeen.

Maamulka Degmada Baardheere ayaa sheegay in Ciidanka NISA oo ka yimid dhinaca Magaalada Muqdisho aan lagu soo wargelin Maamulka Degmada, isla-markaana ay qalqal-gelin amni u yimaadeen Baardheere.

Guddoomiyaha Degmada Baardheere ee Jubbaland, Ismaaciil Cabdi Sheekh Qorax (Koofi) ayaa sheegay in Ciidanka NISA ay diyaarad ku yimaadeen Degmada Baardheere, xilli aanay wax masuuliyiin ah la socon.

“Diyaarad ayay ku yimaadeen Degmada Baardheere oo Xamar ay kaga yimaadeen, wax masuuliyiin oo la socdana majirto.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Baardheere.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ku waramaya inaanay waxba kala socon Ciidanka NISA ee yimid Degmada Baardheere, xilli sida uu sheegay uu xaq u leeyahay inuu la socdo wax kasta oo ku soo kordha degmadiisa.

“Ciidankan soo gaaray Degmada Baardheere, maaha ciidan aan anaga ka war haynay. Aniga Gudoomiyihii Degmada ayaan ahay ciddii degmadan ku soo korodha iyo ciddii kale ee ku soo biirta inaan la socdaa xaq u leeyahay, marka ciidanka uun gafuur duuban baa yimid, koley dowladda xageyda baan ka nimid bay yiraahdeen.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha oo walaac ka muujiyay ciidankan ayaa yiri “Waxaan u aragnaa maadaama ciidan aan ka hayno uusan ahayn, degmadana uu ku soo biiray, ciidan dhibaato u socdo inuu yahay ayaan aaminsanahay.”

Guddoomiye Koofi ayaa xusay in ciidan wejiyada u soo duubtay sidii Shabaabka oo kale, aanay u socon inay dhibaato abuuraan mooyee.

“Niman afduuban oo wata wejiyadii Shabaabka lagu yaqaanay wax kale oo ay u socdaan ma garanayno. Degmada Baardheere hadda xor bay ahayd, ayadoo ciidamada gafuurka u duuban yahay lama qabanin, ciidamada oo si xor ah u socda ayaa la qabtay, illaa hadana amnigeeda waa sugan yahay, marka gafuur duub Shabaab uun baa ku naqaanay, ciidankan noo yimid waxay ahaayeen kuwo gafuurka duuban.” Ayuu yiri Koofi.

Ciidankan oo tiradoodu lagu sheegay toboneeyo askari ayaan waxba laga garanayn ujeedada rasmiga ah, ee ay u taggeen Degmada Baardheere, mana jirto wax war ah oo Taliska NISA uu ka soo saaray.

Waa markii ugu horreysay oo ciidan wejiyada u duuban yihiin, kana tirsan Hay’adda NISA ay gaaraan Degmada Baardheere, oo Al Shabaab laga xoreeyay 22-kii bishii July ee sanadkii 2015.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here