Gaarisa (Halqaran.com) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay dagaalyahano ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay deegaanno ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya.
Anteenooyin ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay guddoomiyaha Magaalada Gaarisa
Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ayaa sheegay anteenooyinka la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah deegaanka looga isticmaalaayay.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya.
Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Ururka Al-Shabaab in ay burburiyeen anteenooyinka ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com