Wararka Maanta

Sarkaal Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda oo lagu soo bandhigay Baraawe +(SAWIRRO)

Baraawe (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya, in maanta halkaasi lagu soo bandhigay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Sarkaalkan Shabaabka ah ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Baraawe. Waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey.

Taliska booliska degmada Baraawe ayaa sheegaya in sarkaalkan uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda, isla markaana maleeshiyaadka Al-Shabaab ku biiray Sanadkii 2012-ka.

Sarkaalkan Shabaabka ah ee isa soo dhiibay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu la soo xiriirey Abtigiis oo dowladda ka tirsan sidaasina ay ugu siirtagashay in uu dowladda isku-soo dhiibo, waxaana uu baaq u diray xubnaha weli ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Booliska degmada Baraawe Ibraahim Aadan Cali ayaa Goobta lagu soo bandhigeyey Sarkaalkaan ka sheegay in sarkaalkaan sababaha uu uga soo baxay Al-Shabaab ay kamid tahay dhibaatooyin uu kala kumay iyo inay ka shakiyeen.

Ururka Al-Shabaab weli kama aysan hadlin ninkaan taliska Ciidanka Dowladda ee degmada Baraawe ay maanta soo bandhigeen, kaasoo la sheegay in uu kasoo goostay Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment