DAAWO SAWIRRO: Golaha Aqalka Sare oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga, Xassan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Ku-xigeenkiisa Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa Isniintii maanta hortaggeen Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare, oo uu shir guddoominayay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayuu ajandihiis ahaa akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare, Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay golaha warbixinta akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedkan.

Senatorada Aqalka Sare ayaa intaasi ka dib bilaabay inay dood ka yeeshaan Hindise Sharciyeedkan, iyagoona doodo ka jeediyay fadhigii maanta

Senatorada ayaa doodahooda ku muujiyay waxa lagu soo kordhin karo Hindise Sharciyeed iyo sida loo sixi karo, haddiiba uu khaladaad ku jiro.

Si kastaba, golaha Aqalka Sare ayaa sii wadi doono doodahooda ku aadan Hindise Sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, kulamdooda soo socdo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *