Wararka Maanta

Feysal Cali Waraabe ‘‘Madaxweyne Muuse Biixi xafiiskiisa ayuu iigu gacan qaaday, hooyadeyna aflagaadeeyay‘‘!

 

Feysal Cali Waraabe /Sawir hore.

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland, Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u gacan qaaday, hooyadiina Aflagaadeeyay.

Feysal Cali Waraabe ayaa xusay in madaxweynaha Somaliland uu ku soo tuuray caagad, sidoo kalana uu damcay inuu la dagaallamo, Xili dhawaan ay madaxtooyada Kulan looga hadlay arinta xariga Ramaax ku qaateen.

“Madaxweynuhu wuu ila dagaalamay 27-kii bisha, waan qarinaynay, dalka dantiisa ayaan ka ilaalinaynay, lama maqal, xafiiskiisa ayuu igula dagaalamay hooyadayna caayey, intuu igu soo tuuray caag, hooyadaa waxaas ku samee buu yiri, laadna igula soo orday, yaa la sheegin baa la yiri, laakiin hadda waan sheegaynaa” ayaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa la weydiiyay su’aal aheyd, waxa keenay inay isku gacan qaadaan isaga iyo Muuse Biixi, wuxuu ku jawaabay, “waxaa isu kaaya keenay Ramaax (masuul ka tirsan Ucid) oo waaran loo soo jaray, wuxuu yiri waa sharci, ana waxaan iri sharci maahee waan is difaacaynaa”.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay la isla dhex-marayey Somaliland in qoyska Madaxweyne Muuse Biixi ay dacwad ka gudbiyeen Eng. Feysal Cali Waraabe, iskastoo isagu sheegay in dacwadaasi aysan soo gaarin.

Dhinaca kale, guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arimo la xiriira muranka ka taagan gudiga Doorashada. wuxuuna xusay inuu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u sheegay inaanu diyaar u ahayn inay kala diraan gudigaaasi.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Wareysiga Feysal Cali Waraabe:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

Post Comment