Muxuu ka yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose howlgalkii maanta Toora-Toorow lagu xorreeyay?

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugan deegaanka Toora-Toorow ee G/Sh/Hoose

Toora-Toorow (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa ka hadlay hawlgalkii maanta lagu xorreeyay Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka oo ka dhaqaaqay Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ayaa bilaa dagaal kula wareegay Deegaanka Toora Toorow, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa marka hore sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada muddooyinkii ugu dambeysay ee ka socday Gobolka Shabellaha Hoose.

Mar uu la hadlayay guddoomiyaha warbaahinta dowladda ayuu sheegay in Ciidanka Danab ay xilligan hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan Deegaanka Toora Toorow, isagoo intaa ku daray in dadka deegaanka ay ku farxeen imaanshaha ciidanka.

“Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qaybta Kumaandooska ayaa gaaray Deegaanka Toora Toorow oo ay hadda ka socdaan hawlgalo amniga lagu xoojinayo. Waxaan xaqiijinayaa in ciidanka ay si rasmi ah ula wareegeen Deegaanka Toora Toorow, shacabkuna ay aad ugu faraxsan yihiin guulaha ay gaareen ciidamada.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali, ayaa tilmaamay in Toora Toorow ay ka mid tahay meelaha ay Shabaabka lacagaha sharci-darrada ah uga qaadaan shacabka.

“Deegaanka Toora Toorow oo ka tirsan Degmada Awqdheegle waxa ay ka mid tahay meelaha ay dadka rayidka ah uga qaadi jireen lacagaha baadda ah, runtii waxaa kaloo ay tahay meelaha ay ugu yaallaan maxkamad beeneedka ah ee lagu baneysanayo lacagaha shacabka.” Ayuu yiri Gudoomiye Najax.

Ilaa iyo hadda ma cadda in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku sii nagaan doonaan Deegaanka Toora Toorow iyo in kale, xilli ay horey uga soo baxeen muddo dhawr sano laga jooggo, markii ay kala wareegeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *