Wararka Maanta

UPDATE: Ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta bilaa dagaal kula wareegeen Deegaanka Toora-Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose oo muddo dheer ay gacanta ku heysay Al-Shabaab.

Ciidanka Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo ay Shabaabku isaga baxeen deegaankaasi, ka hor intii aanay soo saarin Ciidanka Danab.

Ciidanka Danab oo ka dhaqaaqay Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ayaa si nabdoon ku gaaray Toora Toorow, oo hoos-tagta Degmada Afgooye.

Wararka naga soo gaaraya Toora Toorow ayaa sheegaya in xaaladda halkaasi ay tahay mid degan, iyadoona ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan Ciidanka Militariga Danab.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka, Ciidanka Danab ayaa gacanta ku dhigeen Garsoore-yaal ka tirsanaa Maxkamaddii Al Shabaab ee Toora Toorow.

Ilaa iyo hadda ma cadda in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku sii nagaan doonaan Deegaanka Toora Toorow iyo in kale, xilli ay horey uga soo baxeen muddo dhawr sano laga jooggo, mar ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Toora Toorow ayaa waxay muhiim u ahayd Al-Shabaab, iyadoo ay dhaqaale badan kaga soo xaroon jirtay, waxaana xusid mudan in dadka reer Muqdisho ay u cadaalad doonan jireen Maxkamaddii Al Shabaab ee Toora Toorow.

Waxay aheyd, bishii August, markii Ciidanka Xoogga Dalka ay Al-Shabaab ka saareen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment